Soomaaliya oo loo cusboonaysiiyay cunaqabateynta hubka saaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kalfadhigoodii 9477-aad ku soo saaray go’aan lagu kordhinayo mudada cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya illaa dhammaadka sanadkan.

Goluhu wuxuu tixgeliyey in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah amniga caalamka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale dib u cusboonaysiiyay howlaha guddiga khubarada ah ee dabagala cunaqabateynta saaran Soomaaliya ilaa 31-ka December 2023.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo uu kala hadli doono cunaqabateynta hubka, maadaama UK ay xubin joogto ah ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM