Soomaaliya oo xil sarre ka heshay golaha loo dhanyahay ee UN-ka

Image

WASHINGTON, US - Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka Golaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Mudada xil-heynta Baalle oo kamid noqonaya shir-gudoonka fadhiga 75aad ee golaha ayaa hal sano, 2020-21. Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa u dabaaldegtay doorashada.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta mareegaha Twitter-ka ee safaaradda ayaa lagu sheegay in doorashadan ay "sharaf u tahay" dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay kamid noqoto shir gudoonka tan iyo burburka uu haatan kasoo kabanayo dalka ee bilowday sanadka markii uu ahaa 1991-dii kadib dagaal sokeeye.

Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee xilkaan soo qabtay waxaa kamida; Xasan Cilmi (1963-64), Cabdirisaaq Xuseen iyo Axmed M. Aadan [Qaybe] (1979-1980) iyo Cabdullaahi S. Cusmaan (1986-87).

Volkan Bozkır, oo u dhashay dalka Turkiga, ayaa sanadkan loo doortay madaxweynaha fadhiga 75aad ee Golaha Guud ee UN-ka. Diblumaasiga waa ergayga Ankara ee Qaramada Midoobay.

Turkiga ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, waxaana xukuumadda jirta oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo ay bil walba siiyaa dhaqaale la sheegay in lagu kabo miisaaniyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM