Soomaaliya oo safka hore ka gashay dalalka ugu Musuq-maasuqa badan

Image

MUQDISHO- Warbixin cusub oo ay soo saartey Hay'adda Caalamiga ah ee "Transparency International" ayay ku sheegtay in Soomaaliya wali ay kaalmaha hore uga jirto dalalka ugu musuq-maasuqa badan Caalamka.

Hay'adda oo fadhigeedu yahay dalka Jarmalka, ayaa waxay warbixinteeda 2017 ku sheegtay in madaxda Soomaaliya [Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada] sanadkii tagey ku sameeyeen Musuq-maasuq xoog badan.

Iyadoo soo xiganaysa Khubarro, ayaa Hay'adda Transparency International waxay shaacisay in isla xisaabtan la'aanta ka jirta dalalka ay Soomaaliya kamidka tahay ay keentay inay safka hore ka galaan sanad kasta qiimeynteeda.

Hay'adda ayaa ku cabirtay Musuq-maasuqa tirada u dhaxaysa 0 illaa 100, iyadoo number-ka 0 uu yahay dalkii gala midka ugu musuqa badan, iyadoo 100 uu markaasi sheegayo inuu dalkaasi nadiif ka yahay Musus-maasuqa.

Soomaaliya ayaa marka gashay 9, oo ku dhawaatay godka "0" waxaana qiimeynta la gashay South Sudan iyo Syria, oo Hay'addu ku tilmaamay inay yihiin wadamada ugu musuq-maasuqa badan dunida.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Ra'isal wasaare Kahyre ayaa markii u heley kalsoonida Barlamanka Soomaaliya sheegey in xukuumada uu dhisaayo golaheeda Wasiirada laga rabo in xubin walba uu sheego hantidiisa halka ay qaadi doonaan olole ka dhan ah musuqmaasuqa.

Madaxda sare ee dowlada ayaa sidoo kale sheegtey iney dhisayaan hay'ad la dagalaanta musuqaasuqa ( Anti-corruption Commission) kaasoo aan weli la hirgalin.

Sidoo kale, dowlad goboleedyada dalka oo soo galaya warbixinta Transparency International ayaan ka jirin isla-xisaabtan dhab ah, iyadoo madaxdooda ku tagri-falla deeqa dhaqaale ee caalamka siiyo, oo dano gaar ah u adeegsadaan.

HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTAAN OO KU QORAN AFKA-INGRIISKA

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM