Soomaaliya oo shir guddoomisay kulan horudhac u ah shir madaxeedka Midowga Afrika

Image
Kulanka ayaa loogaga hadlay dedaalka Soomaaliya ugu jirto hogaaminta Guddiga Amniga Midowga Africa.

Addis Ababa (GO) - Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb gelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa.

Kulamada qabsoomay waxaa qayb ka ahaa shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta ee Midowga Africa oo ay xiligan hogaanka u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominayey mudane Cali Cumar “Balcad”.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil sar-sare oo ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo dhamaan dalalka xubnaha ka ah guddiga.

Guddiga ayaa shirkooda kaga arrinsaday qorshayaasha taagan ee hortebinta u leh dalalka ku bahoobay Midowga Africa, iyagoona soo bandhigay wadamada iyo madaxda Afrika ee sanadkan u baratamaya jagooyin ay tartan xoog leh ugu jiraan qaar ka mid ah dalalka iyo masuuliyiinta Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kulanka guddiga oo ay shir guddoominaysay Soomaaliya ayaa si gaar ah loogaga hadlay dedaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ugu jirto hanashada iyo hogaaminta Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Africa ee sanadaha 2025-2026.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM