Soomaaliya oo soo dhawaysay go'aan cusub oo Gollaha Amaanka soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii dhawaan kasoo baxay Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayee ahaa in cunaqabateynta lagu soo rogay saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.

Toddobaadkii hore, Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay C/qaadir Maxamed C/qaadir, Maxamed Maxamuud Mire iyo Maxamed Cumar Maxamed, kuwaasoo lagu eedeeyay inay muhiim u yihiin dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Seddexdan qof, ayay UN-tu sheegtay inay si toos ah ugu lug lahaayeen tiro weerarro ah oo ka dhan ah dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo xubno ka tirsan kooxaha ammaanka, marka laga soo tago isku-dubbaridka lacaga baadda ah oo ay faa'iido u leeyihiin xagjiriinta.

Daud Aweis, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in tallaabadani ay wax weyn ka tari doonto in dalka lagala dagaalamo Al-Shabaab oo inta badan ku tiirsan lacagaha baadda ah oo ay ka helaan dakhli uruurin.

"Shakhsiyaadkan hadda waxay ku jiraan liiska cunaqabateynta ee ku xusan Qaraarka 2713, iyagoo wajahaya xayiraad dhaqaale iyo xayiraad dhanka socdaalka ah," ayuu wasiirku ku yiri bartiisa X isagoo qiraya taageerada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in saddex ka mid ah mintidiinta lagu daray liiska cunaqabataynta, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka qayb-qaataan falalka argagaxisada ah ee Soomaaliya. 

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cunaqabateeyey saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al Shabab, kaddib codsigeenna,” ayuu yiri Aweis hadalkiisia raaciyay.

Dhowaan, Soomaaliya waxa ay hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay gudaha degaanada Kooxda, iyadoo ay gacan ka siiyeen taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM