Soomaaliya oo wasiir arrimo dibadeed la’aan ah saddex bilood

Image
Wasiirkii ugu dambeeyay ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Haruushe, ayaa is-casilay 18-kii December, 2023.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii u dambeeyay ee arrimaha dibadda u qaabilsanaa Soomaaliya, Abshir Haruushe, ayaa shaqadda ka tagay 18-kii December, 2023 si uu ugu tartamo madaxtinimadda maamulka Puntland.

Tan iyo wixii markaas ka dambeeyay, Cali Cumar Balcad oo ku magacaaban Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, ayaa sii-haaye ka ahaa Wasaaradda. Balcad ayaa sidoo kale wuxuu xubin ka yahay Golaha Shacabka.

Tani waxay ka dhigan tahay in dalka uusan lahayn wasiir arrimo dibadeed muddo ku siman saddex bilood. Dadka la socda siyaasadda dalka waxay sheegeen in ay tahay markii ugu horeysay oo ay sidaan oo kale dhacdo.

Illaa haatan, si dhab ah looma ogga sababta ka dambeysa in hogaanka dowladda federaalka ah uusan wali magacaabin xilkan oo kamid ah dhowr kale oo ka banaan Golaha Wasiiradda dhowrkii bilood lasoo dhaafay.

Wasaaradaha kale ee wali aanan wasiiradda loo helin waxaa lahayn waxaa kamid ah Wasaaradda Haweenka iyo Amniga Gudaha. Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sababta aan wali loo buuxin jagooyin shaqooyinkooda maqan yihiin.

Fahfaahinada qaarkood waxa ay soo jeedinayaan in madaxda dowladda federaalka ay isku-dayayaan in xilalkan ay kusoo jiitaan xubnaha labada gole ee baarlamaanka federaalka si ay ugu meelmariyaan ajendayaashooda.

Mid kamid ah ajendayaasha haatan miiska saaran ayaa ah wax ka badalka dastuurka ku meelgaarka ah. Dhowr mudaneyaal waxay xaqiijiyeen in xubnaha qaarkood loo balanqaadey xilal wasiiro ah si ay u ansixiyeen dastuurka.

Su’aasha is-waydiinta mudan ayaa ah; sidee in ka badan 200 mudane loogu kala qeybin doonaa kuraasta kooban ee ka banaan Golaha Wasiiradda mise waxaa jagooyinka laga xayuubin doonaa xubno hadda xil haya?

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka loo ogol-yahay Xildhibaanada in ay kamid noqon karaan Golaha Wasiiradda wallow dhowr jeer horey loosoo jeediyay in la kala saaro labadaas arrimood.

Puntland waa maamulka kaliya ee ka jira Soomaaliya kaas oo qaatay siyaasad ah in Xildhibaanadda aysan kamid noqon karin Xukuumadda, waxayna tani kor u qaadeysaa isla-xisaabtanka labadda hay'adood dastuuriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo ka dalbatay Iraq in labo arin ka caawiso

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku sheegay booqashadiisa Baqdaad inay ahayd mid guul leh.

  • Soomaliya

    15-01-2025

  • 12:54PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo ka digay faafinta "cabsi iyo welwel" ku saabsan mustaqbalka dalka

Dowladda ayaa sidoo kale xustay inay sii wadi doonto wadahadallada iyo is-afgaradka la leh dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    15-01-2025

  • 11:19AM