Soomaaliya oo yeelanaysa ciidamo la dagaalama Musuq-maasuqa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku her-gelinayaan ciidamada la dagaalanka Musuq-maasuqa, oo uusan dalka lahayn tan iyo burburkii 1991-dii.

Jeneraal Bashiir ayaa xusay in ciidamadaan ay howshooda noqoan doonto inay dabagal iyo baaris qarsoodi ku sameeyaan Xafiisyadda Hay'addaha kala duwan ee dowladda si looga hortago Musuq-maasuqa baahsan ee xilligan dalka ka jira.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska in aysan dhibaatayn Shacabka, islamarkaana ay u dhimriyaan, maadaama ay iyagu yihiin kuwa u adeega rayidka, loona xilsaarey inay sugaan amniga.

Hay'addaa dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyaa inay daah-shadeen Musuq-maasuq, taasoo sababta in sanad walba ay safka hore ka gasho Soomaaliya liiska dalalka ugu musuqa badan caalamka.

Go'aanlan uu ka dhawaajiyay Taliyaha Booliska ayaa loo arkaa mid wax ka bedali karta dhibaatooyinka Musuqa la xiriira, hadii si fiican loo dhaqan-geliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM