Soomaaliya oo yeelanaysa sharciga Amniga Saybarka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Shuruucdan ayaa lagu ansixiyay shirka todobaadlaha ee Golaha oo uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Dhanka kale, Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ugu mahadcelisay golaha tallaabadan.

Waraaqad ka soo baxday hay’adda ayaa lagu yiri:

“ Xeer Nidaamkaan wuxuu ka jawaabaya baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangelinta qodobada sharciga NISA, wuxuuna xeerinaya arrimo lama huraan u ah shaqda Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM