Soomaaliya: Qarax culus oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa saaka oo Khamiis ah waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya kaasi oo sababay khasaarooyin kala duwan.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso lala eegtay Gaari nuuca raaxada oo marayay deegaanka Tareedishe, oo 13KM dhanka waqooyiga galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

Gaariga waxaa saarnaa dhowr qof, oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, waxaana ku dhintay labo kamid ah dadkaasi iyo qof kale oo meesha ka dhawaa, sida ay dadka deegaanka u sheegeen GO.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kolonyo ciidan ay maraysay goobta xilli qaraxa, kuwaasi oo uu daba socday Gaariga shacabka ee miinada ay haleeshay.

Labo kale oo shacab ah oo goobta marayay ayaa dhaawacyo kasoo gaarey qaraxa waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalla Caasimadda.

Maamulka degaanka ayaa sheegay in wax khasaaro ah uusan ciidamada kasoo gaarin weerarka miino, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo cida ka dambaysa qaraxan ay dadka rayidka ah ku dhinyeen.

Qaraxyada miino ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay wadada isku xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo qaarkood ay sheegatay Kooxda Al Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM