Soomaaliya: Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax Gaari ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal amni darro iyo dilal qorsheysan.

Qaraxan oo ahaa nooca baabuurta lagu xiro ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan, sida ay sheegeen Saraakiisha amaanka demada.

Labo qof oo la socotay Gaariga ayaa ku dhaawacmay kuwaasi oo mid kamid ah magaciisa lagu soo gaabiyay Catoosh, kaasi oo ahaa Darawalka, waxaana soo gaarey dhaawac culus, iyadoo loola cararay Isbitaal goobta ka dhaw.

Lama oga waxay yihiin iyo halka ay katirsan yihiin dadkan Gaariga qaraxa loogu xiray, balse saraakiisha Booliska ayaa goobta gaarey oo la sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxa.

Fahfaahin kala soco wararkeena dambe Haddii ALLE idmo.!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM