Soomaaliya: Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa xalay ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxan oo ka dhashay miino wadada qarkeeda lagu aasay, ayaa lagula eegtay gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamo katirsan Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya [NISA] deegaanka Ceelasha Biyaha.

Wararka ayaa sheegay in mid kamid ah gaadiidka ciidamada wateen uu qaraxa ku burburay, iyadoo khasaarooyin kala duwan kasoo gaarey Askartii saarnayd, inkasoo aan tirada rasmi ah la ogeyn.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay deegaanada ku yaalla nawaaxiga Muqdisho, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamada la beegsaday ay xireen wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Al Shabaab ayaa sheegtay in 10 Askari oo kamid ahaa ciidamada NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano ALPHA GROUP, ee Mareykanka uu tababaray.

Saraakiisha NISA kama aysan hadlin weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada NISA ayaa baro koontarool oo lagu baaro gaadiidka ka yimaada gobollada dalka waxay ku leeyihiin duleedka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo mararka qaara weeraro qaraxyo miinooyin u badan kala kulma Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM