Soomaaliya: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax khasaaro sababay ayaa ka dhacay saaka aroortii magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ay haleeshay Gaari nooca Cabdi-Billaha loo yaqaano xilli uu marayay meel ku dhaw Isgoyska Ex-control Afgooye.

Inta la xaqiijiyay 5 Askari oo kamid ah ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxa uu haleelay Gaariga oo markaasi si xowli ah ku socday, kana yimid dhanka Haanta Dheer ee degmada Deyniile, kuna soo wajahnaa Ex-control Afgooye, oo ah halka laga soo galo magaalada Caasimadd ah.

Ciidamada dowladda ayaa goobta xiray wax yar kadib qaraxa, iyagoo sameeyay howlgal hakad geliyay isku socodka baabuurta iyo dadweynaha wadada aadka u mashquulka badan ee isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha hoose.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, oo noqonaya kii ugu dambeeyay qaraxyo miino oo maalmahan ksuoo kordhaya Mqdisho kuwaasi oo lala eeganayo ciidamada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM