Soomaaliya: Su'aallo la iska waydiiyay Qaraxii Zoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadweynaha Soomaaliyeed, ayaa su'aallo iska waydiinaya cida ka dambaysay qaraxii shalay galab ka dhacay Isgoyska Zoobe, ee magaalada Muqdisho.

Al Shabaab oo inta badan looga bartey qaraxyada noocan ah inay dalka ka fuliso, islamarkaana ku faani jirtay ayaan wali ka hadal midkan Zoobe, kaasi oo illaa hadda ay dhimashadiisu isasa soo tarayso.

Laakiin farta waxay ku godon tahay Al Shabaab, inkastoo aysan sheegan, iyadoo Warbaahinta ku hadasha afkeeda ka gaabsatay ka hadalka mas'uuliyadda, maadaama shacab lagu xasuuqay.

Qarax noocan ah kama dhicin Muqdisho inta la ogyahay Taariikhda, waxaa ku naf-waayay in ka badan 237 ruux, oo u badan shacab, iyadoo dhaawucuna kor u dhaafayo 300 oo qof.

Taallada Daljirka Dahsoon, ee Muqdsho waxaa galabta lagu qabtey dibadbax ay horkacayeen mas'uuliyihiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo lagu cambaareeyay Al Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 3 maalin oo baroor-diiq ah, waxayna hoos u dhigtay calanka, iyadoo shacabka ku baaqayaan in hay'adaha amniga la yimaadaan wax-qabad muuqda.

Al Shabaab ayaa mudo 9 sano ah dagaal kula jirta dowladda iyo Ciidanka taageera ee AMISOM, waxayna horey u sheegatay mas'uuliyadda weeraradii ugu xumaa, sida kuwii Hargaha iyo Saamaha (Oct, 2011) iyo midkii Hotel Shaamo (Dec 3, 2009).

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM