Soomaaliya: Su'aallo la iska waydiiyay Qaraxii Zoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadweynaha Soomaaliyeed, ayaa su'aallo iska waydiinaya cida ka dambaysay qaraxii shalay galab ka dhacay Isgoyska Zoobe, ee magaalada Muqdisho.

Al Shabaab oo inta badan looga bartey qaraxyada noocan ah inay dalka ka fuliso, islamarkaana ku faani jirtay ayaan wali ka hadal midkan Zoobe, kaasi oo illaa hadda ay dhimashadiisu isasa soo tarayso.

Laakiin farta waxay ku godon tahay Al Shabaab, inkastoo aysan sheegan, iyadoo Warbaahinta ku hadasha afkeeda ka gaabsatay ka hadalka mas'uuliyadda, maadaama shacab lagu xasuuqay.

Qarax noocan ah kama dhicin Muqdisho inta la ogyahay Taariikhda, waxaa ku naf-waayay in ka badan 237 ruux, oo u badan shacab, iyadoo dhaawucuna kor u dhaafayo 300 oo qof.

Taallada Daljirka Dahsoon, ee Muqdsho waxaa galabta lagu qabtey dibadbax ay horkacayeen mas'uuliyihiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo lagu cambaareeyay Al Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 3 maalin oo baroor-diiq ah, waxayna hoos u dhigtay calanka, iyadoo shacabka ku baaqayaan in hay'adaha amniga la yimaadaan wax-qabad muuqda.

Al Shabaab ayaa mudo 9 sano ah dagaal kula jirta dowladda iyo Ciidanka taageera ee AMISOM, waxayna horey u sheegatay mas'uuliyadda weeraradii ugu xumaa, sida kuwii Hargaha iyo Saamaha (Oct, 2011) iyo midkii Hotel Shaamo (Dec 3, 2009).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM