Soomaaliya: Khasaaraha Qaraxii Muqdisho oo kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sii kordhaya marba marka ka dambaysa khasaaraha dhimashada uu sababay Qaraxii weynaa, ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Isgoyska Zoobe, ee magaalada Muqdisho.

Dhaqaatiirta Isbitaallada la geeyay dhaawacyada iyo meydadka, ayaa Wariyaha Garowe Online ee Muqdisho, u xaqiijiyay in hadda tirada dhimashada ay mareyso in ka badan 200, iyadoo ku dhawaad 100 kamid ah dadkan la aqoonsan la'yahay, maadaama jirkooda si xun u gubtay.

Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa VOA u sheegay in dadka ku dhintay qaraxa ay gaarayaan 230 qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen boqolaal kale.

Dad badan ayaa wali la la'yahay, kuwaasi oo loo maleynayo inay ku hoos jiraan dhismooyinkii burburay, halka kuwa kalen ay dambas noqdeen, lana waayay Meydadkooda.

Qaraxa oo ka dhashay Gaari nooca TM-ka loo yaqaano, ayaa waxa uu dad ka dilay meel 4 KM u jirta goobta uu ka dhacay, oo ahayd mid mashquul badan, kuna yaallaan goobo ganacsi oo aad u badan, oo sidoo kalena laga raaco baabuurta.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa, oo inta la ogyahay soo mara Muqdisho, welina ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa, xitaa Al shabaab oo looga bartay weerarada noocan ma aysan ka hadlin.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu dhaliilaa inaysan lahayn qorsho kahor-tag ah, oo lagu badbaadinayo muwaadiniinta naftooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM