Soomaaliya: Qaraxyo ka dhici lahaa Muqdisho oo laga hortagey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka gobolka Banaadir ayaa fahfaahin ka siiyay shacabka Muqdisho sababihii ay Ciidamada dowaldda u xireen maalmihii lasoo dhaafay wadooyinka Caasimadda, gaar ahaan kuwa isku xira waqooyiga iyo Koonfurta.

Eng Cabdiraxmaan Yariisow, Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sababihii laamaha amniga u xireen wadooyinka iyo Isgoysyada magaalada ay aheyd sugida ammniga iyo ka hortegida qaraxyo ka dhaca Muqdisho.

Duqa Muqisho ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu ka raali-gelinayo shacabka wadooyinka la xiray, oo saameyn ku yeeshay isku socodkooda, isagoo dhanka kale ka sheegay in Wasaaradda amniga uu maamulkaasi kala hadlay furitaanka jidadka la xiray.

Gudoomiye Yariisow waxa uu ka dalbaday shacabka inay la shaqeeyaan Hay'adaha amaanka dalka, si looga hortago weerarada argagaxiso ee Kooxda Al Shabaab la maagan-tahay inay ku dhibaatayso dadka ku nool magaalada Muqdisho.

Eng Yariisow ma uusan sheegin qaraxyada la fashiliyay tiradooda iyo nooca ay ahaayeen, laakiin wuxuu carabka ku dhuftay inay jiraan weeraro laga hortagay maalmihii ay xirnaayeen wadooyinka.

Xaaladda amni ee Muqdisho ayaa ahayd mid ay ka jirto cabsi dhanka amaanka tan iyo markii la magaacabay Taliye-yaasha Nabad Sugida iyo Booliska bishii lasoo dhaafay, kuwaasi oo magacaabistooda kahor mudo 4 bilood ah aan wax qarax ah ka dhicin magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM