Soomaaliya: Saldhig lagu tababaro Al Shabaab oo la duqeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa duqeysay saldhig weyn oo lagu tababaro dagaalayahanada Al Shabaab kaasi oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

War kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa lagu xaqiijiyay weerarka, kaasi oo dhacay Axadii lasoo dhaafay, 24-ka December meel aysan magacaabin oo ku yaalla duleedka Kismaayo.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay 13 katirsanaa Al Shabaab, mana jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaarey dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanka ay diyaaradaha gantaallada ku garaaceen.

Saraakiisha Jubbaland iyo Al Shabaab kama aysan hadlin howlgalka Mareykanka.

In ka badan 34 weerar oo dhanka cirka ah ayuu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya tan iyo bishii Maarso markii uu Trump bixiyay amar lagu kordhinayo duqeymaha ka dhanka ah Kooxaha mintidinta ee Al Shabaab iyo kuwa xiriirka la leh Daacish ee ku sugan Puntland.

Mid kamid ah duqeymahan waxuu Mareykanka la eegtay bishii November Daacish-ta Soomaaliya ee ku sugan Buuraha Galgala, ee gobolka Bari.

Bil kahor, duqeyn diyaaradeed oo AFRICOM ka gaystay gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxuu Pentagon-ka xaqiijiyay inay ku dhinteen 100 kamid ahaa Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM