Soomaaliya: Sheekh Shariif oo Dhaliilay Qorshaha Doorasho Qof iyo Cod ee Xasan Sheekh
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u dhaliilay qorshaha dowladda federaalka ah ee ku saabsan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Isagoo ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay Muqdisho, Sheekh Shariif wuxuu ku tilmaamay qorshaha mid aan suurtagal ahayn, isagoo xusay caqabado badan oo hor taagan hirgelintiisa.
Sheekh Shariif wuxuu tilmaamay dhibaatooyin waaweyn, oo ay ka mid yihiin xaaladda amniga ee wali liidata, caqabadaha farsamo, iyo kala qeybsanaanta siyaasadeed ee dalka. Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka ah inay qaadday tallaabooyin dhinac ah oo dhaawacaya kalsoonida iyo wadajirka dhinacyada muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin wax ka beddelka dastuurka iyo dib-u-dhiska guddiga doorashooyinka.
“Tallaabooyinka ay qaaday dowladda federaalka ma ahan kuwo waxtar leh, waxayna abuuri karaan kala qeybsanaan hor leh,” ayuu yiri Sheekh Shariif. “Go’aannada ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha taabanaya masiirka ummadda waa in lagu gaaro wada-tashi iyo heshiis.”
Shirka jaraa’id ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kale oo magac leh, sida Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, kuwaas oo sidoo kale dhaliilo u jeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Labada mas’uul waxay sheegeen in habka dowladda uu yahay mid aan furfurnayn oo ka maqan wada-shaqeyn iyo hufnaan.
Senator C/Ismaaciil Samatar ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si ballaaran looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka, isagoo ka digay in hannaan deg-deg ah ama dhinac ka raran uu horseedi karo dhibaatooyin waaweyn oo keeni kara xasilooni darro.
Hadalka Sheekh Shariif iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah ayaa kusoo aadaya iyadoo dood adag ka taagan tahay hannaanka doorasho ee Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada qof iyo cod ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda, hase yeeshee, dhaleeceeyayaal badan ayaa ku doodaya in qorshahan uusan suurta-gal noqon karin iyadoo la eego duruufaha siyaasadeed iyo amni ee hadda jira.
Iyadoo waqti kooban uu ka harsan yahay go’aannada muhiimka ah ee doorashooyinka, khilaafka ka dhex jira dowladda iyo mucaaradka ayaa sii adkeynaya suurtagalnimada in la gaaro heshiis qaran, taasoo caqabad ku noqon karta dadaallada lagu xaqiijinayo xasillooni iyo maamul wanaag.
GAROWE ONLINE