Soomaaliya: Shir caalami ah oo ka dhacay Muqdisho [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dood ku saabsan ka hortaga iyo jawaab ka bixinta Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya.

Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Abaaraha, iyo Wasiir Dawlaha Arimaha Dibadda, qaar kamid ah Hayadaha Qaramada midoobay, madax ka socotay maamul goboleedyada iyo Safiirada dalalka taageera Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay wufuuda ka soo qayb gashay shirka oo ka kala yimid meelo fog-fog waxuuna ka sheekeeyay jawaabtii ay ka bixisay xukuumadiisa abaartii Soomaaliya mudadii yarayd ee ay jirtay, isagoona sheegay in markii la magacaabay ay dadaal dheer u galayn sidii ummadda Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa abaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa qeexay doorka qurba joogta Soomaaliyeed ay ku lahaayeen wax ka Qabashada abaarihii ku dhuftay dalka, waxuuna tilmamay in ay iska soo aruuriyeen lacag gaaraysa Shan Milyan oo Dollar.

“Soomaaliya waxaa u bilaamay baal cusub oo horumarineed, waxayna diyaarisay qorshayaashii ay ku sugan lahayd Amnigeeda kuna horumarin lahayd dalka oo dhan. Sidoo kal waxay diyaarisay qaabki looga hortigi lahaa khatarta abaaraha, anagoo kaa shanayna hay’adaha caawiya Soomaaliya.

“Suurtagal noqon mayso in dalkeena uu leeyahay khayraad farabadan shacabkeenuna ay macluul iyo gaajo u dhintaan. Balse waa in aan horumarinaa wax soo saarka dalka si ay u yaraato gaajada iyo macaluusha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay sidii looga gaashaaman lahaa looguna diyaar garoobi lahaa abaaro kale oo Soomaaliya soo wajaha iyo habka ugu haboon ee loo hubin karo in gargaarka la gaarsiiyo dadka loogu talagalay, taas oo ay ugu deeqeen dawladooda iyo hay’adaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM