Soomaaliya: UNSOM oo mudo kordhin loo sameeyay

Image

NEW YORK, USA - Gollaha Amaanka ee Qaramadda Midoobey, ayaa u codeeyay maanta qaraar cusub oo mudo kordhin loogu sameeyay Howlgalka Kaalmeynta QM ee Soomaaliya [UNSOM].

Qaraarka mudo kordhinta loogu sameeyay UNSOM oo tirsigiisu yahay "2408", ayaa waxaa Gollaha Amaanka usoo gudbisay dowladda Ingriiska, oo dalbatay in Howlgalka Kaalmeynta QM ee Soomaaliya sii socdo ilaa March 31, 2019.

Gollaha Amaanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda taageerada UNSOM ee dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin dhinacyada Siyaasadda, Nabadda, Dib-u-heshiisiinta, xalinta khilaafaadka, dhisamaha Ciidamada qaranka iyo Doorashooyinka.

UNSOM ayaa waxaa aas-aasay Gollaha Amaanka bishii June 3, 2013-kii, kadib qiimeyn ay QM ku sameysay Xaaladda Soomaaliya, iyadoo xilligaasi jirtay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh, oo u baahnayd taageerada Beesha caalamka.

Michael Keating, oo ah diblumaasi u dhashay dalka Ingriiska ayaa hadda madax ka ah UNSOM, oo saameyn ballaaran ku leh Siyaasaadda Soomaaliya, iyadoo dhincayo badan ka taageerta dowladda iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM