Soomaaliya: Wasiir Axmed Ciise oo yimid Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa saaka oo Axad ah soo gaarey magaalada Muqdisho.

Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaano, Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Cali Maxamed Geedi.

Waxaa lagu wadaa in isaga iyo labo wasiir oo kale oo dhawaan Ra'iisul Wasaare Khayre u magacaabay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga lagu dhaariyo maanta Muqdisho.

Maalinta Berri ah ayaa lagu qaban doona Muqdisho Munaasabad Xil-wareejin ah oo uu Axmed Ciise Cawad xafiiska ugala wareegayo Yuusuf Garaad, oo khamiistii lasoo dhaafay xilka laga qaadey.

Axmed Ciise Cawad ayaa horay u ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Washington ee dalka Mareykanka, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM