Soomaaliya: Wasiiru dowle ku guuleystay Kursi ka banaan Baaralmaanka

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa maanta duhurkii lasoo gaba-gabeeyay Doorasho saaka ka billaabatey magaalada Dhusamareeb, ee xarunta maamulka Galmudug, taasi oo lagu dooranayay Kursi ka banaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku dhawaaqay in Cabdullaahi Faarax Weheliye uu ku adkaaday doorashadii kursiga uu ka geeriyooday sanadkii tagey Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

Cabdullaahi Faarax,oo ah hadda Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Illo ku dhaw u sheegay Garowe Online inuu taageero ka helay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mas'uulkan oo ay la tartameen labo musharax oo kale, ayaa ku guuleystay wareeggii kowaad ee codbixinta 28 cod, oo kamid codadkii ay dhiibteen ergo doorasho oo gaareysay 51 xubnood.

Doorashada oo ka dhacday Dhuusamareeb ayaa waxaa ku tartamaya Cabdullaahi Faarax Weheliye oo helay 28 cod, Maxamed Cilmi Afrax oo helay 17 cod iyo Cabdulaahi Faarax Xirsi oo isna helay 3 cod, waxaana halaabay 3 cod.

Beesha caalamka ayaa horey u sheegtay in doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeynaya ay hareeyeen Musuq-maasuq, ku shubasho iyo iibsiga codadka Ergada doorashada, kadib markii in ka badan 1 million oo Dollar lagu iibsaday Kursi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM