Soomaaliya: Weerar lagu qaaday xarumihii ugu weynaa ee AS

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa ajnabi ah oo Mareykanka inay yihiin loo maleynayo ayaa weerar ku qaaday degmooyin Al-Shabaab ku awood badan oo Koonfurta dalka ku yaalla.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in la weeraray Bu'aale, Saakow iyo Jilib oo kamid ah gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo la beegsaday goobo ay kamid tahay meel hubka Al-Shabaab ku keydsan jirtay, oo gebi ahaan la burburiyay.

Lama oga khasaaraha inta uu la egyahay, mana jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda oo kusoo aadaysa xili la filayo in dhawaan billowdo wajiga 2aad ee howlgalka militeri, oo Ciidanka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo aah ATMIS kamid ahayn ka qeybgali doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda ku maqan Eritrea, isagoo raba inuu keeno dalka askarta tababarka u dhamaaday, si ay dagaalka ugu biiraan, waxaana la ogeyn in dowladda ku guuleysan doonto howlgalka ay wado.

Gobolka Jubbada Dhexe guud ahaantiisa wuxuu gacanta ugu jiraan Al-Shabaab, waxaana la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyaasha sare ee Kooxda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM