Soomaaliya: Xildhibaan cusub oo lagu doortay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho Xildhibaan cusub oo buuxinaya kursi kamid ah labo Kursi oo ka banaana Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga oo uu ka geeriyooday sanadkii tagey Xildhibaan Saciid Xasan Geedi, ayaa waxaa u tartamay Labo Musharax oo kala ah Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Faatax Saciid Xasan iyo Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan, oo maanga Goobta doorashada ka maqnaa.

Doorashada oo lagu qabtay xarunta Gollaha Shacabka ee Muqdisho, ayaa waxaa ku guuleystay Faatax Saciid Xasan, kadib markii uu helay 32 cod, halka musharaxa kale ee maqnaa Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan uu ku guuleystay 5 cod.

Ergo gaareysa 41 ayaa codeeysay, waxaana 32 u codeeyeen Fataax, 5 waxay codadkooda siiyeen Cabdiraxmaan, iyadoo 4 hallaabay.

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka qaranka, Xaliima Yareey ayaa ku dhawaaqday natiijada doorashadii maanta, iyadoo sheegtay in uu kusoo baxay Faatax Saciid Xasan oo ah Wiilka uu dhalay Xildhibaankii ka geeriyooday Kursiga.

Kursigan oo leh mid kamid ah Beelaha gobollada waqooyiga ee dalka [Somaliland] ayaa doorashadiisa dib loo dhigay 24-kii bishan kadib markii uu buuq ka dhacay goobta doorashda.

Hal Kursi oo uu ka dhintay 2017-kii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, oo deegaan doorashadiisa ay tahay Galmudug ayaa ka banaan Gollaha Shacabka, kuwaasi oo la filaya in dhawaan lagu doorto magaalada Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM