Soomaaliya: Xildhibaan ku geeriyooday Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Mudane katirsanaa Baarlamaanka maamulka Jubbaland, oo lagu magacaabi jiray Cumar Buraale Axmed aya ku geeriyooday magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Allah ha u naxariistee Cumar Buraale oo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Anshaxa Baarlamaanka Jubbaland ayaa u dhintay Xanuunka Dhiig-kar, oo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay, sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ay saaxibo ahaayeen.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa dhiiga ku kacay kadib markii uu dhex-galay Muran dhuleed ka taagan Kismaayo, oo si xoog ah looga qaatey qof ay ehelkiisa katirsan, kadibna dhismo lagu billaabey.

Kahor inta uusan geeriyoonin, Cumar Buraale ayaa ku wargeliyay kiiska muran dguleedka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdulqaadir Luga-Dheere, isla markaana uu joojiyay in dhulkaasi la dhiso.

Meydka Xildhibaanka ayaa lagu wadaa in lagu aaso maanta xabaalo ku yaalla magaalada Kismaayo, iyadoo la filaya inay kasoo qeybgalaan aaska madaxda sare ee Jubbaland, Xildhibaano, Wasiirro iyo gudoonka Baarlamaanka maamulkaasi.

Allah ha u naxariistee Xildhibaan Cumar Buraale ayaa kasoo mid noqday Baarlamaankii KMG ee dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Sheekh Shariif.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM