Soomaaliya: Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Saddex xubnood oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen gobolka Hiiraan.

Cabdidaahir Guure, oo ah gudoomiyaha degmada Buulo-burde ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in howlgalka lagu dilay dagaalyahanada Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay duleedka degmada.

Wuxuu intaasi ku daray in ciidamada DFS iyo AMISOM iyo Al-Shabaab uu dagaal ku dhexmaray meel qiyaastii 5KM u jirta Buulo-Burde, kaasi oo yimid markii Kooxda ay madaafiic kusoo tuurtay degmada.

"Ma jirto wax khasaaro ah oo dhanka ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo dadka shacabka ah kasoo gaarey dagaalka, xaaladduna hadda way degan tahay," ayuu yiri Guure.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadey saldhig ciidan oo ku yaalla Buulo-Burde, kadibna uu billowday dagaal labada dhinac dhexmray, kaasi oo qaatey mudo saacado ah.

Al-Shabaab kama aysan hadlin weerarka hoobiye iyo dagaalka xubnaha looga dilay ee ka dhacay degmada Buulo-burde, ee gobolka Hiiraan, oo qiyaastii 200KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM