Soomaaliya: Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Saddex xubnood oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen gobolka Hiiraan.

Cabdidaahir Guure, oo ah gudoomiyaha degmada Buulo-burde ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in howlgalka lagu dilay dagaalyahanada Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay duleedka degmada.

Wuxuu intaasi ku daray in ciidamada DFS iyo AMISOM iyo Al-Shabaab uu dagaal ku dhexmaray meel qiyaastii 5KM u jirta Buulo-Burde, kaasi oo yimid markii Kooxda ay madaafiic kusoo tuurtay degmada.

"Ma jirto wax khasaaro ah oo dhanka ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo dadka shacabka ah kasoo gaarey dagaalka, xaaladduna hadda way degan tahay," ayuu yiri Guure.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadey saldhig ciidan oo ku yaalla Buulo-Burde, kadibna uu billowday dagaal labada dhinac dhexmray, kaasi oo qaatey mudo saacado ah.

Al-Shabaab kama aysan hadlin weerarka hoobiye iyo dagaalka xubnaha looga dilay ee ka dhacay degmada Buulo-burde, ee gobolka Hiiraan, oo qiyaastii 200KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM