Soomaaliya: Yariisow oo loo magacaabey duqa magalaada Muqdisho

Image

Wararka magaalada Muqdisho ka imaanaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow).

Yarsoow ayaa horey u ahaa Wasiirka Warfafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya isagoo kasoo jeeda beesha Abgaal Wacbuudhan.

Warkan ayaa lagu baahiyey bayaan uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo kasoo lagu qorey Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee Sonna.

Warka Sonna ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu go'aankan gaaray kaddib markii uu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta, wadatashina uu la sameeyay, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wararkii ugu horreeyay ee saaka soo baxayay ayaa xusaya in ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ay la wareegeen xafiisyada xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan waxaa xiran waddooyinka xaruntaasi soo gala, waxaana xarunta hadda si buuxdo gacanta ugu haya ciidammo gaar ah.

Talaabadaan ayaa timid kadib markii Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir habeenkii xalay is doortey muddo labo sano ah isagoo ka cabsi qaba in xilka laga qaado. Thabit ayaa gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ku soo xereeyey hool kuwasoo ku dhawaaqey iney  doorteen gudoomiye gobol iyo duq degmo.

Xiriirka Thabit iyi madaxda sare u dhexeeya ayaa xumaadey kadib markii Madaxweyne Farmaajo wewel xoogan ka muujiyey musuqmaasuq lagu sameeyey dhulka Dowlada isagoo qoraal uu soo saarey ku sheegey in baaris degdeg ah lagu sameyn doono eedeymahaan.

Thabit oo bilihii ugu dambeeyey ay galeen hunguri siyaasadeed ayaa bilaabey olole ah in maamulka gobolka noqdo mid ka madax banaan Dowlada dhexe ee Soomaaliya isagoo qabaa’ilka Muqdisho dagan kiciyey.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM