Soomaliland: Waxaan qabsanay Saax Dheer

Image

Muqdisho, Somalia 28, August [GAROWEONLINE]- Wararka ka imaanaya Soomaliland ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay saakay weerareen tuulada saax-dheer.

Saax Dheer waxa lagu waday in maanta lagu caleemo saaro madaxweynaha cusub ee khaatuomo ee dhawaan la doortay, Dr Cali Khaliif Galayr.

Taliyaha guud ee ciidanka milateriga Somaliland sareeye gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa BBC u sheegay in saakay hawlgal ay sameeyeen ciidamadiisu ay kula wareegeen tuulada Saax-Dheer iyo hareeraheedaba.

Saax Dheer ayaa 70km dhinaca koonfur galbeed ka xigta magaalada Laascaanood .

Wax war ah kama hayno dhinaca kale ee Khaatumo, iyagoo aan weli xaqiijin wararka sheegaya in Somaliland ay qabsatay magaalada.

XIgasho: BBC 

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM