​Soomaliya: Guddoomiyaha Barlamanka oo Baydhabo tagay

Image

BAYDHABO, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Socdaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar, ayaa salka ku haya ka qayb galka shirka madasha wadatashiga Qaran ee Isniinta soo socota  20 Jun, lagu wado inuu ka furmaan magaaladaasi.

Wafdiga, waxaa qayb ka ah Xildhibaano katirsan Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Khudbad uu u jeediyay warbaahinta ayuu ku sheegay, Prof: Jawaari,  inuu ku faraxsanyahay imaanshihiisa magaalada Baydhabo isagoo tilmaamay inay dhawan ka qayb gali doonaan shirka madasha wadatashiga Qaran.

Magaalada Baydhabo, ayaa amnigeed aad loo adkeeyay, waxaana socda qaban qaabo ku aadan shirkaasi iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay tagaan mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Shirka dhici doona 20 Jun, 2016 ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo la xiriira doorashada dalka, waxaana isu imaatinkan lagu go'aamiyay shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM