SSC oo markale Midnimada horseeday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa gaaray magaalada caasimada Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya, Muqdisho iyada oo ay garoonka kusoo dhaweeyay Gudoomiye xigeenka aqalka sare, Sen Timacade, Wasiirka Arimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi iyo xubnaha labada aqal oo ay wehliyaan dhaqanka gobalka Banaadir iyo bulsho kale.

Firdhiye oo Diyaarada kasoo dagay isaga oo lulaya calanka Jamhuuriyada ayaa lagu tilmaamay tilaabo markale xaqiijinaysa dhamaadkii riyada gooni goosadka ee gobalada Togdheer iyo waqooyi galbeed.

Wasiirka Arimaha gudaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Faqi ayaa sheegay in Halgankii SSC-Khaatumo uu guuleystay isla markaana ay ka doonayaan in ciidamada ay kusoo biiriyaan SSC-Khaatumo kuwo koonfurta dalka ka wada hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Shacabka SSC-Khaatumo iyo golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa iyagu Halbowle u noqday dib u saldhigida Midnimada jamhuuriyadda taasi oo ay dowlada federaalku bogaadisay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in maamulka SSC-Khaatumo iyo dowlada federaalku ay wada hadalo yeeshaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM