Su’aallo ka dhashay hadalo isburinaya oo kasoo yeeray Xasan Sheekh

Image
Erayadan ayaa ku jiray fariintii Ciidul Fidriga ee Madaxweynaha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya —Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale waxa uu ku celceliyay in dowladdiisa aysan ogolaan doonin wax kaaga oo wax u dhimaya madax-bannaanida dalka.

Khudbadiisa hambalyadda Ciida ayuu ku sheegay in maamulkiisa uusan kasoo horjeedin heshiisyada ama wadahadalada dhexmaray Itoobiya iyo maamulada dalka balse “aysan aqbalin karin faragelin siyaasadeed”.

“Waxaan rabaa in aan caalamka u sheego in aan Itoobiya dagaal kula jirin, Itoobiyana ay dagaal nagu hayso. Waxa kaliya ee noo door ah waa in aan ku wada noolaano nabad iyo deris wanaag,” ayuu tibaaxay.

Wuxuu raaciyey: “Haddii ay Itoobiya ina rabin anaguna dooni mayno...ma diidanin heshiis, ma diidanin wada hadal, ma diidanin danta la wadaago. Waxaan ka soo horjeednaa in dhulkayaga la qaato, madax-banaanidayada lagu xadgudbo, ma aqbali doono faragelin siyaasadeed. Ma jirto waddo loo maro, rogaal celis,” ayuu yidhi.

Balse, madaxweynaha ayaanan sharaxaad ka bixin waxa uu ula jeedo “ma diidanin heshiis, ma diidanin wada hadal, ma diidanin danta la wadaago”. Tani waxa ay dhalinaysaa su’aallo kala duwan.

Ma waxa uu ula jeedaa “kama soo horjeedno in Itoobiya ay la macaamisho gobolada Soomaaliya” ama “in wadahadalo ay yeeshaan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya”?

Haddii ay tahay kan koowaad, hadalkan ayaa waxaa ka muuqda isbedel kooban maadaama madaxweynaha ay hadaladiisii hore ku jireen in maamulkiisa ogolaan karin nooc walba isfahan ah oo dhexmara Itoobiya iyo qeyb kamid ah Soomaaliya.

Sidoo kale, haddii ay tahay tan labaad, dhawaqan waxa uu khilaafsan yahay erayo horey uga soo yeeray madaxweynaha oo ahaa in uusan jiri doonin wadahadal kala galayo Itoobiya illaa ay ka laabaneyso isfahamka Somaliland.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa hore u beenisay inay doonayso inay qayb ka mid ah Soomaaliya qaadato, balse waxay difaacday Is-afgaradkii ay Somaliland la saxeexatay 1-dii January.

Puntland ayaa sidoo kale waxa ay Itoobiya la gashay isfaham kaasoo xeerinaya in labada dhinac ay kawada shaqeeyaan dhowr arrimood oo ay kamid tahay amniga, tamarta, iyo sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM