Suuqa Bakaaraha oo wali xiran iyo Gollaha Wasiirada oo ka shiraya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maalintii labaad xiran Suuqa Baarakaha ee magaalada Muqdisho kadib markii Ganacsatada ay ka gadoodeen canshuur cusub oo Wasaaradda Maaliyadda ay kusoo rogtay.

Waxay Ganacsatada sheegeen in Suuqa uu sii xirnaan doono inta dowladda ay wax ka bedelayso go'aankeeda ku aadan canshuurta iibka ee loo yaqaano "VAT" oo gaaareysa 5% oo laga qaadayo badeecooyinka ay iibinayaan.

Sidoo kale, Ganacsatada Gudi ay sameysteen ayaa sheegay in horey iyagoo uga cabanayay canshuurta Dekedda ay kusoo kordhisay Wasaaradda Maaliyadda casnhuurta kale ee Iibka.

VAT ayaa ah wax Ganacsatada qaar ku cusub, maadaama casnhuurta aan la qaadin ku dhawaad 30 sano oo dalka burburka kusoo jiray, iyadoo hadda lagu soo beegay xilli duruufo dhaqaale ay dalka ka jiraan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shalay Gudi u xilsaaray wax ka qabashada cabashada Ganacsatada Muqdisho, iyadoo horey u fashilmay isku wadahadallo dhex maray Ganacsatada iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalale Beyle.

Dekedda Muqdisho ayaa ku jira badeecooyin badan oo wali ku xaniban, sababo la xiriira khilaafka ka taagan canshuurta, iyadoo Wasaaradda Maaliyadda ay sheegayso in qiimaha ay qaadayso uu yahay midka ugu yar caalamka.

Beyle oo dhawaan hadlay waxa uu sheegay alaabaha sida gaarka ay loo canshuuro ay yihiin Bagaashka noocayadiisa kala duwan, Qalabka Electronics, Baabuurta iyo wax yaabaha kale ee aan ku jirin Sonkorta, Burburka, Bariiska iyo Saliida oo iyagu qiimo jaban laga qaado.

Dhanka kale, Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay Shir gaar ah ka yeeshaan Xirnaanshaha Suuq, waxaana warbixin laga dhageysan doonaa Wasiirka Maaliyadda.

Kulankaas ayaa la filayaa in sidoo kale looga hadlo magacaabista taliye-yaasha Nabad Sugida iyo Booliska oo ay aadkaatey iney magacowdo xukuumadu madaama uu jiro fikir kala duwaansho madaxda sare ee ku aadan arinkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM