Taariikh nololeedka gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah afhayeen cusub ku doortay Dhuusamareeb.

Dr Maxamed Axmed Gacal ayaa guusha ku hantiyey 54 cod, isagoo labinta ka helay Cabdinaasir Aadan Cusmaan 34 helay.

Sidda uu guddiga doorashadda shaaciyey, waxaa xumaaday hal cod, wadarta guud ee coddeysayna ay tahay 89 mudane.

Gacal, oo isla goobta lagu dhaariyey, ayaa bedeli doona Cali Gacal Casar oo xilkaas loo doortay kadib yagleelidii dowlad goboleedka.

Waa kuma Maxamed Axmed Gacal?

1966 ayuu ku dhashay degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud

1987 ayuu ka baxay dugsiga Sare, Muqdisho

1988 ayaa qaatay diblooma heer dhexe, machadka maamulka & maareynta Jaamacadda Carabta ee Muqdisho

1995 ayuu shahaadada 1-aad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Ummu Durmaan ee Sudaan

1999 ayuu ka qaatay diblooma sare machadka maareynta musiibooyinka ee Jaamacadda Caalamigaa ee Afrika

2000 ayuu diblooma sare oo qaanuunka guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn ee isla waddanka Sudaan

2001 ayuu shahaadada labaad oo maareynta musiibooyinka ah ka qaatay Jaamacadda Caalimga ah ee Afrika

2008 ayuu shahaadada 3aad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Umul Darmaan ee dalka Sudan.

Dhanka shaqadda

Wuxu kasoo shaqeeyay Jaamacadda Muqdisho, halkaasoo uu noqday hormuudka kuliyada sharciga.

2013-2014 wuxuu ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda

2014-2016 wuxuu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya

2019 wuxuu xubin ka noday guddiga dib u heshiisiinta Galmudug

2020, waxa uu kamid noqday baarlamaanka labaad ee Galmudug, waxaana loo doortay afhayeenka labaad ee maamul goboleedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM