Taariikhda curyaamin karta damaca dib u doorashadda Farmaajo
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sanadkan galaya doorashada isagoo og in dalka uu taariikh u leeyahay in aan dib loo soo dooran mas’uul xilka haya tan iyo markii la soo bilaabay dib u dhiska Soomaaliya markaas oo madaxweyne loo doortay C/llaahi Yuusuf Axmed (2004-2008).
Laba ka mid ah Xukuumaddii Farmaajo ka horreysay ee Shariif Sheekh Axmed (2009-2012), oo lagu tiriyo in uu horseeday in Muqdisho lagu qabto doorashada iyo Madaxweynihii beddelay Xasan Sheekh Maxamuud (2012-2017) ayaa la isku daray in ay xildhibaanada codkooda waydiistaan si dib loogu soo doorto balse waa ay ku guuldaraysteen.
26 Xildhibaan kursi ayaa ku dhiman (Hirshabeelle iyo Jubbaland) waxaa hada si toos ah isha loogu hayaa doorashada madaxweynaha oo aan wali la isku raacin waqtiga la qabanayo baarlamaanka dalka.
Farmaajo ayaa xilka hayay tan iyo bishii February ee sanadkii 2017-kii, waxaana la eegi doonaa inuu wax ka bedelo qaabkii lagu soo jiray 18-kii sano ee u dambeeyay.
Tartanka madaxtinimada waxaa ku jira ugu yaraan 40 musharax oo doonaya in ay kursiga ka tuuraan madaxweynaha hadda xilka haya balse waxaa ugu cad cad labo madaxweyne hore, labo ra’iisul wasaare hore, hogaamiye xisbi siyaasadeed Wadajir iyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xassan Maxamuud iyo xubno kale oo caan ka ahaa Muqdisho ayaa isku biiray sanadkii hore markii madaxweynaha xilka haya uu isku dayay in uu samaysto labo sano oo muddo kororsi ah.
Xiriirkii wada shaqayneed ee madaxda mucaaradka ayaa u muuqda mid meesha ka baxay, kadib markii ay si xawli ah ku bilaabatay doorashada 275 xildhibaan iyo 54 mudane
Si kastaba ha ahaatee labadan qof ayaa loo arkaa inay yihiin musharraxiinta ugu cadcad marka la shaaciyo xilliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha, iyadoo la rajeynayo ka hor inta aysan billaaban bisha barakeysan ee Ramadaan oo billaabanaysa bisha Abriil.
Sidoo kale waxaa ku loolamaya Xasan Cali Khayre oo soo noqday Ra’iisal Wasaare ka soo noqday dowlada uu hoggaamiyo Farmaajo iyo Cumar Sharma’arke oo Ra’iisal Wasaare ka noqday Madaxweyne Maxamuud. Waxaa kale oo tartamayo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland.
Hogaamiyihii hore ee Maxkamadaha Islaamka (ICU) oo horudhac u ahaa Al-Shabaab, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu tiriyaa inuu dib u soo celiyay sharciga iyo kala dambeynta magaalada Muqdisho markii uu xukunka la wareegay sanadkii 2009-kii, xilligaasi oo uu xilka hayay ayay aheyd markii kooxdaasi laga saaray magaaladda Caasimadda ah isaga oo taageero ka helaya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, oo ay horkacayaan ciidamada Uganda iyo Itoobiya.
Sheekh Shariif markii uu kursiga ku waayey, waxa uu ka dhoofay dalka isaga oo waxbarasho dheeraad ah u aaday dalka Maraykanka si uu kordhiyo heerkiisa waxbarashada. Hadda waa musharax madaxweyne. Dhacdadan, musharaxnimadiisa waxa ay ku soo aadeysaa, xilli la arkayay in kooxaha argagaxisada ah ay fariisimo ku leeyihiin duleedka Magaalada Muqdisho.
23-kii bishii Maarso, Al-Shabaab ayaa weerar geesinimo leh ku qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kaasoo sidoo kale ay ku sugan yihiin inta badan xarumaha dublamaasiyadeed ee Soomaaliya, sida Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Amisom.
Qiyaastii sideed qof ayaa lagu soo waramayaa inay dhinteen. Maqribkii dambe magaalada Beledweyn ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Ex Xildhibaan Cali Cabdi Dhuxul oo labaduba ka mid ahaa musharixiinta Aqalka Hoose ayaa ku dhintay labo qarax oo ay ku dhinteen 28 qof oo kale.
Sidoo kale waxaa tartanka u taagan madaxweyinihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guul daraystay wareegii labaad ee doorashada 2017. Xasan Sheekh Maxamuud oo aan si weyn loo aqoon ka hor inta aan loo dooran xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxa uu madaxweyne ka ahaa Soomaaliya mudo ay Muqdisho si weyn u horumartay.
Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga caasimadu waxa ay kor u keceen mudadii uu madaxweynaha ahaa. Si kastaba ha ahaatee, maamulkiisa ayaa lagu eedeeyay inuu oggolaaday musuqmaasuq.
Labada Ra’iisul Wasaare ee hore ee Khayre iyo Sharma’arke ayaa u muuqda mid salka ku haya aragti ah in maadaama ay soo tijaabiyeen awooda maamul ay raadiyaan xilka madaxweynaha Soomaaliya, haddii ay Soomaaliya u rari karaan wadada hormarka iyo dhaqaalaha. Si kastaba ha ahaatee, madaxa xisbiga Wadajir iyo madaxweynaha Puntland ayaa tartanka adag qayb ka ah.
Si kastaba ha ahaatee, wax walba waxay ku xiran yihiin sida ay u codeeyaan 329 Xildhibaan iyo Senatar marka ay dhacdo doorashada madaxweynaha.
Madaxweynaha Puntland ayaa gacanta ku haaya dhamaan xildhibaanada ka soo jeeda Maamulkiisa waana tan rajadiisa meelsare gaarsiinaysa. Warbaahinta dowladda khudbada laga sii daayay, ayuu madaxweyne Deni ku sheegay "in diiraddayda ugu weyn ay tahay inaan xilka ka qaado madaxweyne Farmaajo si dimoqraadi ah".
Balse ka hor inta aan la cayimin xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha, waxaa soo baxaysa arrin yar oo ah in la soo xulo guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.
Cabdi Xaashi C/llaahi ayay u badan tahay inuu sii ahaan doono xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, halka gudoomiyaha baarlamaanka loo tartami doono. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeraya hanaanka doorashada ayaa beesha caalamka kulan xasaasi ah oo ku saabsan kuraasta ka harsan baarlamaanka iyo doorashada labada guddoomiye la qaatay.
Mareykanka ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dib u dhaca ku yimid doorashada, wuxuuna ku eedeeyay madaxda Soomaalida in ay ku guuldareysteen in ay doorashada ku qabtaan waqtigii loo qorsheeyay. Indhaha oo dhan ayaa hadda ku wajahan Rooble in uu ku dhawaaqo xilliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha kadib markii uu la tashaday hay’adaha ay khusayso.
GAROWE ONLINE