Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kulan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa lagu soo waramayaa inuu fashil kusoo dhamaaday, iyadoo khilaafaad xooggan ay ka taagan yihiin wax ka beddelka Dastuurka iyo hab-raaca doorashada soo socota.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow kulanka ayaa sheegay in kulankaas oo lagu doonayay in lagu dhimo khilaafaadka siyaasadeed uu burburay, sababo la xiriira kala aragti duwanaansho baahsan oo ku saabsan isbeddelka Dastuurka iyo qaabka doorashada lagu wajahayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo waqtigiisu ku egyahay bisha Maajo 2026, ayaa wajahaya caqabado isa soo taraya, oo ay ka mid yihiin helista is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan doorashada iyo wax ka qabashada xaaladda amni ee sii xumaanaysa.

Fashilka kulankan ayaa sii murjinaya dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya loo wado xasillooni siyaasadeed, iyadoo mucaaradku ku eedeeyeen madaxweynaha inuu isku dayayo in isbeddello muhiim ah oo Dastuurka lagu sameynayo uu kaligiis ku meel mariyo, iyada oo aan la helin taageero guud oo siyaasadeed.

Iyadoo xaaladda ay kasii dareyso, cadaadis xooggan ayaa fuulaya Madaxtooyada Villa Soomaaliya si ay u hesho xal siyaasadeed oo mideyn kara dhinacyada, isla markaana horseeda hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo.

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka, iyaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka dalka, isla markaana uu awoodihii Dowladnimo isaga ku koobay.

Labada dowlad-goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinkii madaxweynaha, iyaga oo sheegay in uu ka baxay mabda’ii federaalka, islamarkaana uu dhaawacay nidaamka awood qaybsiga ee ku xusan Dastuurka KMG ah.

Go’aankan ayaa sii xoojinaya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna sii kala fogeynayaa xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Khubarada amniga ayaa ka digaya in khilaafkan uu saameyn toos ah ku yeelan karo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, taasoo weli khatar weyn ku ah ammaanka guud ee dalka.

Kacdoonka siyaasadeed wuxuu imanayaa xilli Soomaaliya ay horeyba u la daalaa-dhacaysay caqabado la xiriira doorashooyinka, dib u eegista Dastuurka, iyo amniga guud ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM