​Tababare Soomaaliyeed oo lagu xiray Spain

Image

Wararka laga helayo dalka Spain, ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay tababarayaal iyo cayaartooy dalkaasi ku sugnaa, kadib markii booliisku xoog ku galeen hotel ay daganaayeen maalintii Isniinta 20 Jun, 2016.

Xariggan ayaa yimi kadib markii hotelka laga helay daruugo mamnuuc ah, taasi oo siyaadisa awoodda cayaartoyda isticmaasha.

Dadka la xiray, waxaa ku jiray Tababare Soomaali ah oo lagu magacaabo Jamac Aadan Karaaciin, oo layliya orodyahanno ay kamidtahay haweenayda Genzebe Dibaba, oo Ethiopia u dhalatay, taasi oo haysata koobka orodka caalamka ee 1500 mitir.

Karaaciin, ayaa lala xiray nin kale oo tababare Marooco ka soo jeeda, waxaana booliisku sheegeen inay heeleen 60 Irbadood oo hotelka lagu dhex isticmaalay.

Xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunka ayaa sheegay inay darooggadan ka baareen 28 qof oo ka mid ahaa 30 ciyaarahan oo hotelkaasi daganaa, balse ma xaqiijin in daroogadaasi in laga helay jirka cayaartooyda la baaray.

Jaamac Karaaciin ayaa la sheegay in tan iyo 2013-kii uu sannad walba tababar ku qabto dalkaasi Spain.

Qoraal lagu daabacay Wargeyska the Telegraph ee dalka Britain ka soo baxa, ayaa sheegay in orodyahanka England ee Asalkiisu Soomaaliga yahay,  Mo Farah uu iska fogeeeyey inuu haatan wax wadashaqeyn ah la leeyahay tababare Jaamac Karaaciin.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli wax kayar labo bilood ay ka harsantahay cayaaraha olombicada ee lagu qabanayo dalka Brazil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM