​Taliska ciidanka Somalia oo ka hadlay howlgalka Toora-Toorow

Image
Image

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska taliska ciidanka xoogga dalka Somaliyeed ayaa looga hadlay howlgal ay wada fuliyeen ciidamada Kumaandoosta Somalia ee Danab iyo kuwa kasocda dalka Maraykanka.

Weerarkan oo shalay ay Al Shabaab sheegtay inay fashiliyeen ayaa talisku faah faahiyeen, waxayna tilmaameen in abaara 04:00 habeenimo Xilliga Somalia ee Salaasadii in weerar lagu soo qaaday saldhig ku yaalla deegaanka Toora-Tooroow ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana lagu qaaday mallayshiyo katirsan kooxda Shabaab.

“Ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Danab ayaa Salaadii Subax Xilli ku dhaw howl-gal qorsheysan ku qaaday saldhig kooxda Al-Shabaab ay ku uruuriyaan waxa ay ku ugu Uguyeeraan Zakawaadka oo ay ku boobaan hantida shacabka ku nool deegaankaasi, ujeedka ciidanka wuxuu ahaa in saldhiggaas ay burburriyaan, weyna ku soo guuleysteen,”Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Talisku, waxay tilmaameen intii howlgalka lagu jiray in la dilay saraakiil katirsan Shabaab islamarkaana lagu bur-buriyay saldhigaasi.

Arrintan, waxaa sidoo kale shalay ka hadashay xukuumadda Washington, waxayna cadeeyeen in ciidamadoodu ka qayb qaateen howlgalka gobolkaasi laga sameeyay, balse ma aysan faah faahin sida u dhacay khasaarihiisa.

Dhawr jeer oo hore waxaa Koonfurta Somalia qaybo kamid ah ka dhacay howlgalo ay wadafuliyeen ciidamada Somalia iyo Maraykan isugu jira kuwaasi oo lagu qaaday goobo ay ku suganyihiin mintidiin katirsan Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM