Taliyaha Ciidamada Xoogga & Saraakiisha ATMIS oo ka wada hadlay dagaalka ‘AS’

Image
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay wali socoto qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS.

Muqdisho, Soomaaliya - Taliyaha ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada ATMIS, iyaga oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah AS.

Intii uu socday kulanka ayaa saraakiisha labada ciidan waxa ay uga wada hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqeynta labada dhinac si looga adkaado kooxaha argagaxisada ah.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa saraakiisha ATMIS u sheegay in ay dib u bilaabi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda AS, isagoo ka codsaday saraakiisha ATMIS in ay ciidamada ku garab istaagaan dagaalka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay wali socodo qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS ee lagu wado in mas’uuliyada amniga ay ku wareejiyaan Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Dowladda ayaa la qorsheeyay in ay si buuxda ula wareegaaan amaanka dalka dhamaadkii sanadkan, iyada oo aan wali la soo gebagabeyn wajiga 1-aad ee howlgalka ka dhanka AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM