Taliyaha ciidanka dhulka oo kormeer ku tagay jiidda hore ee dagaalka ‘AS’

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed  G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamada xoogga dalka iyo Al-Shabaab.

Waxaa ka mid ah deegaanada uu booqday taliyaha Ciid Ciidka iyo Cali Fool Dheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas uu ka jeediyay kalmad dhiirigelin ah oo ku wajahan ciidamada furinta ku sugan.

Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay sida ay waajibkoodi ciidanimo uga guteen xubnaha ‘AS’ ku dhuumaalysanayay deegaanka Ciid Ciidka, isagoo xusay ineey tahay wax ay ku mudanyihiin bogaadin iyo amaan gooni ah.

Sidoo kale taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiishaba kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran dadaaladooda ku aaddan baacsiga iyo sifaynta ‘AS’ ee goobaha duurka ah ee ay isku dayaan in ayisku soo aruursadaan kana soo maleegaan weeraro fulaynimo ah.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee fariisinka ku leh gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Mudug ayaa dagaal xooggan kula jira AS si ay uga saaraan tuulooyinka ee ay gabaad ka dhigtaan markii laga saaray degmooyinkii muhiimka ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM