Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray saldhig ay dhawaan kala wareegeen ATMIS

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Dhulka G/ Sare Dayax Cabdi Cabddulle ayaa dhawaan gaaray deegaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellaha Dhaxe, halkaas oo ku yaalo saldhig ay ATMIS ku wareejisay Ciidamada Soomaaliya.

Taliyaha ayaa wehlinayay tiro saraakiil ah oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee hay’adaha amniga dalka. Kolka ay halkaasi gaareen ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Biyacadde.

Ujeedka koowaad ee socdaalkan ayaa ah in la dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah kooxda AS. Iyadoo la xoojinayo isku-xirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Ciidanka Qaranka iyo Ciidammada Millateriga, waxay mas’uuliyiintani uga gol-leeyihiin kor-u-qaadista waxtarka iyo hufnaanta hawl-galka.

Howlagllo lagu baacsanayo xoogaga AS ayaa waayahan dambe laga fulinayay gobolka Shabeellaha dhaxe, ciidamada ATMIS ayaa shalay duqeymo ka fuliyay goobaha ay ugu dhuumaaleysanayaan kooxda keymaha ku yaalla aagaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM