Taliyaha ciidanka Somalia oo la kulmay saraakiisha AMISOM

Image
Image
Image

05 January, 2016(GO)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia Sareeya Gaas Maxamed Aaden Axmed oo wehiliyo abaanduulaha ciidanka iyo saraakiil kale ayaa la kulmay taliska ciidamada AMISOM ee Somalia.

Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii la isaga kaashan lahaa howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab kaasoo laga fuliyo Somalia sannadkan 2016, wuxuuna taliyuhu sheegay inay rajaynayaan dalka oo laga sifeeyay kooxaha argagixisada.

“Kulanka aynu maanta yeelannay ujeeddadiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in sannadkan 2016-ka, Somalia oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan,” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga Somalia.

Shirka saraakiisha ciidamada ayaa imaanaya xilli ay jiraan weeraro kooxda Al-Shabaab ka gaysanayso qaybo kamid ah Koonfurta Somalia kuwaas oo la beegsanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM