Taliyaha Ciidanka Xoogga oo booqday degmada Xarardheere

Image
Booqashadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan AS ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano ka tirsan Galmudug.

Xarardheere, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyidiin ayaa booqasho ku tagay magaalada Xarardheere ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Taliyaha ayaa la kulmay Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada iyo saldhigyada ka howlgala deegaanada hoos yimaada.

Kulankan ayaa looga hadlay weerarada ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta amaanka magaalada oo Janaayo 2023 lagala wareegay kooxda AS.

Kooxda AS ayaa dhawaan la wareegtay deegaano badan oo dhaca gobolka Galgaduud iyo Mudug kuwaas oo ay isaga baxeen Ciidanka Xoogga Dalka.

Khubarada dhanka ammaanka ayaa rumeysan in goobaha ay ciidamadu ka baxeen ay sidoo kale khalkhal geli karaan gacan ku haynta Xarardheere.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM