Taliye ka tirsan booliska oo "isku day dil kaga badbaadey" Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeri ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax lagu sheegay nooca Miinada ah oo saaka ka dhacay isgoyska Banaadir ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobjoogeyaal kala duwan ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in miinabada ay haleeshay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah.

Ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyey in uu ku nafwaayey dhacdadaas, saddex kelana ay kasoo gaareen dhaawacyo isla markaana loola cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in gaariga qaraxa lala eegtay uu lahaa taliyaha hogaanka caafimaadka Booliska Soomaaliya, Cali Xirsi Barre [Cali Gaab], balse uusan la socon.

Cali Gaab oo cambaareeyay shirqoolka khaarjinta ah ee loo maleegay ayaa daboolka ka qaadey in xilliga uu weerarku dhacaye uu joogay xafiiskiisa shaqadda.

Sidda laga soo xigtay sarkaalka oo u waramay Radio Risaala, askariga ku dhintay qaraxa oo kamid ahaa ilaaladiisa waxaa lagu magacaabi jiray Xamsa Xasan Axmed Mooge.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saartay mas'uuliyadda falkaas, wallow dhacdooyinka noocaan ah looga bartay xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Hay'addaha ammaanka oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaa tibaaxay in ay baarayaan isla markaana aysan waqti xaadirkan haynin tafaasiil ay saxaafadda la wadaagi karaan.

Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jirtay jawi xasilooni ah, waxaana ku hoos u dhacay qaraxyaddii waaweynaa, balse waxaa laga soo wariyey dilal qorsheysan iyo weeraro hoobiyeyaal ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM