​Taliye nabad sugidda katirsan oo Cadale lagu dilay

Image

CADALE- Taliye ku-xigeenkii ciidanka nabad sugidda degmada Cadale gobolka Shabeellaha dhexe ayaa xalay lagu dilay magaladaasi, kadib muran soo kala dhex galay mid kamid ah ciidamada degmada.

Ibrahim Maxamed Waraabe, ayaa dhintay kadib markii ay is afdhaafeen mid kamid ah ciidamada uu horjoogaha u ahaa, waxayna isku khilaafeen howl gal ciidanka loo diray.

Ninkii sarkaal dilay, ayaa laftiisa xalay lagu dilay degmada Cadale, waxaana qudha ka jaray ciidamada nabad sugidda oo falka kadib raacdeystay.

Xaaladda magalada ayaa degan, waxaana la filayaa in labada ninba lagu aaso degmada Cadale oo xalay falkaasi ka dhacay.

Majirto, wax war ah oo kasoo baxay taliska nabad sugidda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM