Taliye-xigeenada NISA oo shaqo joojin lagu sameeyay [CADDEYN]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasiimaha Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya [NISA], Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa, xilli khilaaf xooggan uu ka dhex jira hogaanka Hay'adda Sirdoonka.

Qoraal kasoo baxay maanta xafiiska Taliyaha NISA ayaa lagu shaaciyay in shaqadii laga joojiyay taliye-xigeenada kala ah, Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Cabdiqaadir Maxamed Nuur [Jaamac], oo ahaa shaqsiyaad awood badan ku leh NISA.

Dhamaan qeybaha NISA ayaa la faray inay u hogaansamaan go'aanka shaqada looga joojiyay labadiisa ku xigeenka, kuwaasi oo mudo bilooyin ah si KMG ah usoo maamulayay hay'adda intii u dhaxeysa eryidii Shanbaloolshe iyo magacaabia go'aanka cusub.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli uu jiro fashil amni iyo su'aallo la iska waydiinayo sida ay ku dhacday in iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho ay Al-Shabaab weerar ka fuliso albaabka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya mudo hal todobaad gudihiisa.

Waxaa kaloo jira saraakiil badan oo NISA kamid ah oo lo xiray weeraradii ugu dambeeyay ee Caasimadda ka dhacay, waxaana jira tuhun ah in xubno katirsan hay'adaha amniga u fududeeyeen Al-Shabaab qaraxyadii dhawan dhacay.

Sida ay ku heshay Al-Shabaab tuutaha/dareeska iyo Aqoonsiga hay'adaha amniga ayaa kamid ah su'aallaha taagan ee laga doonayo inay ka jawaabaan Wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow iyo taliye-yaasha hay'adaha kala duwan ee amniga DFS.

Hay'adda NISA ayaa lagu eedeeyaa in saraakiisheeda sare iyo Askarteeda ay kamid yihiin xubno badan oo horey uga soo goostay Al-Shabaab, kuwaasi oo suurta-gal tahay inay wax ka og yihiin weerarada ka dhacaya Muqdisho.

HOOS KA AKHRI WARQADDA SHAQA-JOOJINTA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM