Taliye-xigeenada NISA oo shaqo joojin lagu sameeyay [CADDEYN]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasiimaha Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya [NISA], Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa, xilli khilaaf xooggan uu ka dhex jira hogaanka Hay'adda Sirdoonka.

Qoraal kasoo baxay maanta xafiiska Taliyaha NISA ayaa lagu shaaciyay in shaqadii laga joojiyay taliye-xigeenada kala ah, Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Cabdiqaadir Maxamed Nuur [Jaamac], oo ahaa shaqsiyaad awood badan ku leh NISA.

Dhamaan qeybaha NISA ayaa la faray inay u hogaansamaan go'aanka shaqada looga joojiyay labadiisa ku xigeenka, kuwaasi oo mudo bilooyin ah si KMG ah usoo maamulayay hay'adda intii u dhaxeysa eryidii Shanbaloolshe iyo magacaabia go'aanka cusub.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli uu jiro fashil amni iyo su'aallo la iska waydiinayo sida ay ku dhacday in iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho ay Al-Shabaab weerar ka fuliso albaabka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya mudo hal todobaad gudihiisa.

Waxaa kaloo jira saraakiil badan oo NISA kamid ah oo lo xiray weeraradii ugu dambeeyay ee Caasimadda ka dhacay, waxaana jira tuhun ah in xubno katirsan hay'adaha amniga u fududeeyeen Al-Shabaab qaraxyadii dhawan dhacay.

Sida ay ku heshay Al-Shabaab tuutaha/dareeska iyo Aqoonsiga hay'adaha amniga ayaa kamid ah su'aallaha taagan ee laga doonayo inay ka jawaabaan Wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow iyo taliye-yaasha hay'adaha kala duwan ee amniga DFS.

Hay'adda NISA ayaa lagu eedeeyaa in saraakiisheeda sare iyo Askarteeda ay kamid yihiin xubno badan oo horey uga soo goostay Al-Shabaab, kuwaasi oo suurta-gal tahay inay wax ka og yihiin weerarada ka dhacaya Muqdisho.

HOOS KA AKHRI WARQADDA SHAQA-JOOJINTA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM