Taliyihii booliska degmadda Afgooye oo qarax lagu dilay

Image

AFGOOYE, Koonfur Galbeed – Taliyihii booliska saldhiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu dilay qarax, sidda ay bogga Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiinta ammaanka.

Cabdiqaadir Cusmaan Nuunow iyo saddex kale oo ilaalo u ahayd ayaa ku dhintay miino haleeshay kolanyo ay la socdeen oo mareysay inta u dhaxeysa Caawa Cabdi iyo Lafoole, galabnimadii maanta.

Goobjoogeyaal ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha GO in askar kale oo kamid ahayd kolanyadda ay soo gaareen dhaawac.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa looga bartay dhacdooyinka noocaan ah.

Maamulka Koonfur Galbeed oo si kooban uga hadlay falkaas ayaa sheegay in uu cambaareynayo, isla markaana uu tacsi u dirayo ehelka taliyaha iyo askarta kale ee ku geeriyootay "falkaas argagixiso".

Afgooye, oo 30 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho, ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay xarun muhiim ah u ahayd howlgalada Ciidamada Kumaandooska.

Milatariga Soomaaliya ayaa dhowaanahaan ku howlahaan xoreynta gobolka oo Al-Shabaab ay haatan si buuxda kaga haystaan degmooyinka Kuntuwaarey iyo Sablaale, oo la sheegay in ciidamada kusii jeedaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM