Tartanka Maamul-Goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay

Image
Xiriirka ayaa dib ula wadaagi doona Shacabka jadwalka oo faah faahsan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa dhawaan ku dhawaaqay in muddo labo maalmood ah dib loo dhigay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo Shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ay soo saareen guddiga ciyaaraha iyo tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha JFS ayaa lagu sheegay in dib u dhigista tartanka ay ka dambeysay dhibaatooyin ka dhashay ciyaartii furitaanka.

Waxay Raaligelin Buuxda Siinayaan Dhamaan Taageerayaasha Tartanka “Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Iyo Dhamaan Bagdad Sports ka Ciladihii farsamo Iyo Daaha Cayaarta Galabta Ku Timid , Sidoo Kale Waxay Si khaas uga raaliginayaan Taageerayaashii Galabta U Saamixi Weysay inay Daawadan Tartanka Ayaga oo Tikityo Soo Jartay.” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Sidaasi darteed, waxaa la go’aamiyay in hal maalin dib loo dhigo ciyaarta berito ee Banaadir iyo Koonfur Galbeed, lana ciyaari doono maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da Janaayo 2024.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa xaqiijiyay in ay dib ula wadaagi doonaan Shacabka jadwalka oo faah faahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Dowladda Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dagaal kula jirta Puntland oo ah hooyada Federaalka dalka oo soo jirtay tan iyo 1998.

  • Soomaliya

    20-02-2025

  • 11:37AM

Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya oo Xoogga Lagu Saarayo Wadahadallo Ka Furmay Turkiga

Dhinaca kale, warbixinnada ayaa sheegaya in wadahadalladan lagu soo gabagabeeyey heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan.

  • Soomaliya

    19-02-2025

  • 06:59AM