Tirada dhimashada qaraxa Muqdishu oo korodhay

Image

21 September, 2015(GO)-Khasaaraha weerarkii Muqdishu ayaa korordhay, waxaana ku dhintay illa lix qof oo mid kamid ah u dhashay dalka Turkiga, halka dhaawaco kor u dhaafayo ilaa 11 ruux.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa cambaareeyay qaraxa caawa ka dhacay afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Somalia.

Maareeye ayaa sheegay in weerarkaasi lagu waxyeellaynayay umadda Somaliyeed, isagoo tacsi u diray dhammaan intii dhibku ka soo gaaray.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala eegtay bar Kantarool oo ku talla iridda hore ee Villa Somalia, baabuur uu lahaa wakiilka QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa waxyeello ka soo gaartay, waxana la sheegayaa in qaar kamid ah ilaaladiisa oo Somaali ahayd ay ku dhaawacmeen.

Ma cadda in weerarku bartilmaameedkiisu ahaa Nicholas Kay, hasa yeeshee warar aan ka helayno Villa Somalia ayaa sheegaya Kay inuu ku sugnaa Madaxtooyada balse uu doonayay inuu baxo weerarka ka hor.

Qoraal barta Internet-ka soo dhigta Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay ka dambeeyeen qaraxaasi oo lagu bartilmaameedsanayay mas'uuliyiin ka tirsan Somalia iyo beesha caalamka.

Ma aha markii ugu horaysay oo weerar qorshaysan ka dhaco Agagaarka Villa Somalia, waxayna ku soo beegmaysaa xilli qaraxa ka hor la soo gaba gabeeyay shirka ka socday Muqdishu oo looga hadlayay ayaayaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM