Todobo jir Muqdisho lagu Faro-Xumeeyay

Image

Qoyska Wiil yar oo Arday ka ahaa iskuul ku yaala xaafada Aweyska ee degmada Xamar oo la hadlay telefishinka Dalsan ayaa sheegay in wiilkooda la faro-xumeeyay.

Waardiyahii iskuulka ayay ku eedeeyeen in uu wiilkooda Faro-Xumeeyay isla markaana iyaga oo ku eedeeyay waardiyayaasha kale ee iskuulka in ay fakiyeen.

''Maamulaha iskuulka ayaa gacantiisa kaga dhaqay dhiiga shaatiga wiilka yar gabar walaashiis ahna waa ay u diideen taleefan ay naga soo wacdo''.

Wiilka ayaa qoysku warbaahinta u sheegeen '' in mid kamid ah waardiyayaasha uu Musqusha/Suuliga ugu galay isla markaana uu Far ka galiyay dabada iyada oo uu Dhiig ka yimid.

Isbitaalka Madiina ayay geeyeen Canuga sida ay waalidku ku warameen iyaga oo Dhakhaatiirtu ay sameeyeen xaqiijinta dhacdada.

Maamulayaasha iyo hawla wadeenada iskuulada gudaha Somalia ayaan intooda badan u tababarnayn sida loola tacaaliyo dhacdooyinka la xiriira ku tacadiga awooda iyo falalka jinsiga ah kuwaasi oo in badan la isku dayo in la qariyo ama si hoose loo dhameeyo.

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM