TPEC oo lagu wareejiyay qalab looga hortago COVID-19

Image
Image
Image
Image
Qalabkaan ayaa la gayn doonaa degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka golayaasha degmyooyinka ee horu dhaca ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta kala wareegtay hay’adda caafimaadka Aduunka WHO qalabka looga hortago covid19, kaasi oo loogu talagay in la isticmaalo waqtiga doorashooyinka horu dhaca ah ka dhacayaan degmooyinka Qardho, UFayn iyo Eyl.

Abdirisaaq Abshir Xirsi, Agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ahna kusimaha agaasimaha guud ayaa qalbka kala wareegay madaxa WHO Puntland.

Agasimaha ayaa uga mahadceliyay WHO qalabkaan ay soo gaarsiiyeen wasaaradda waqtigan muhiimka ah, waxa uu xusay in wasaaradduna qalabkaan iyo mid kale oo ay ku kordhiso ku wareejin doonto guddiga KMG doorashooyinka Puntland TPEC.

Isla goobka qalabka lagu wareejiyay ayaa agaasimuhu waxa uu qalabkii ku wareejiyay xoghayaha guud ee guddiga KMG doorashooyinka Puntland Marwo Ubax Abshir ayaa kala wareegtay.

Qalabkaan ayaa la gayn doonaa degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka golayaasha degmyooyinka ee horu dhaca ah.

Wasaaradda ayaa guddiga kmg doorshooyinka kala shaqaynaysa dhanka caafimaadka gaar ahaan xaga doorashooyinka, horay ayay wasaaraddu degmooyinka ugaysay gaari Ambulus ah iyo kooxo caafimaad oo la soconayay isku soo baxyada ururada hadii khatar caafimaad timaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM