Trump oo Safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Image

WASHINGTING, USA - War-qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxaa lagu magacaabay Danjiraha cusub ee maamulka Washington u fadhin doona Soomaaliya.

Donald Yamamoto, ayaa loo magacaabay Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, isagoo horey usoo qabtay qaranka Mareykanka shaqooyin badan oo dhanka Diblumaasiyadda ah.

Wuxuu soo noqday Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u fadhiya Itoobiya intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009-kii, waxaa kale oo uu danjire ka noqday dalka Jabuuti oo uu ka shaqeynayay intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2003dii.

Yamamoto, ayaa sidoo kale soo noqday xubin ka tirsan Waaxadda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika, halkaasoo uu ka ahaa Diblumaasi sare oo dhanka Afrika qaabilsan.

Shaqadii ugu dambeysay ee uu soo qabto waxay ahayd booqasho uu dhawaan ku kala tagay dalalka Jabuuti, Eritrea iyo Itoobiya, xili ay ku wehlinayeen Wafdi ballaaran.

Ujeedka loogu soo magacaabay Donald Yamamoto, safiirka Soomaaliya ayaa lagu macneeyay inay tahay buuxinta Safaaradaha Mareykanka ku leeyahay calaamka ee qaarkood banaan.

Bishii October ee sanadkii 2017-dii ayay ahayd markii Danjirihii Mareykanka fadhiyay Soomaaliya ee Stephen Schwartz uu is-casilay, isagoo sababta ku sheegay inay tahay arrimo la xiriira wax isaga gaar u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM